Xanta Suuqa Kala Iibsiga

 


Kooxda kubada cagta ee Ajax ayaa lgu soo waramayaa inay baadi goob ugu jirto sidii ay ku soo xero galin alahayd macalin cusub oo kooxda ka caawin kara in ay ku soo laabato

 tubtii guulaha oo ay hoos uga dhacday tan iyo markii uu ka tagay tababaraheedii hore Ee Erik ten Haag oo imika maamula kooxda dalka ingiriiska ee Manchester united.

Hadaba waraka soo baxaya ayaa sheegaya in ay kooxdu calaamadsatay sadex taba bare oo ay xagaaga u dhaqaaqi doonto waxaana kow ka ah isla Eric ten Haag oo la isla dhex marayo in warqadii casilaadiisu ay qorantahay oo lala sugayo kaliya inta xili ciyaareedkani dhamaanayo.

waxa kaloo diirada u saaran tababarihii hore ee kooxda Chelsea Graham Potter oo isna tan iyo xiligii laga eryey Chelsea aan qabanin wax shaqo ah oo kale.

waxa kaloo lala xidhiidhinayaa tababaraha  kooda ka dhisan France ee Nice Francisco Farioli oo rajaynaya in uu kooxdiisa usoo saaro Champions League.

Graham Potter wxuu iska diiday heshiis ay Ajax miiska usoo saartay sababo la xidhiidha xaga musharkiisa  waxa kale oo uu rajaynayaa in uu ka bedelo kooxda Manchester united  tababaraha rer Holland ee Eric ten Haag.

Kali kuma aha Ajax raadinta tababare cusub  lakin waxa iyaguna suuqa kula jira kooxo dhawr ah oo iyaguna is abdal u doonaya kooxohooda sida Liverpool, Bayern München.

Waxaana laga yaabaa in ay dib usoo celiyaan macalinka Manchester united ee Eric ten Haag hadii laga eryo kooxdiisa haatan uu joogo.

Ajax waxay ciyaartay 31kulan waxayna guulaysatay 13 barbar dhac galeen 10 halka ay guuldaraysteen 8 waxayna  ku jiraan kaalinta shanaad ee miiska kala saraynta.

Post a Comment

Previous Post Next Post