Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa lagusoo waramayaa in ay ugu danbayn ku qancisay
macalinkeeda hada ee Xavi in uu sii joogo kooxda ka dib mudo ay daba socdeen oo ay
rabeen in uu bedelo goaankiisii uu qaatatay bishiiJanuari ee sanadkan goaankaas oo ahaa
in uu kooxda ka tagi doono dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana goaankaasi uu u
cuntami waayey maamulka sare ee kooxda oo u arka macalinkoodu in uu kooxda sare
u qaadi karo iyo in uu soo saaray ciyaartoy da yar ah oo qatar ah qarash badana aanay ka
galinqarashna aanu kaga bixin waana sida kaliya ee ay doonayaan in ay kooxda ku
badbaadiyaan daymaha faraha badan ee lagu leeyahaynba iskaga bixin karaan.
Madaxweynaha Barcelona ee Juan Laporta ayaa dhankiisa amaanay Xavi wuxuuna ku
tilmaamay inuu yahay tababare aan caadi ahayn jecel kooxda oo leh xamaasad dabiiciya
kalsooni iyo deeqsimo in kastoo nin wariye ahi soo gudbiyey sababta Xavi u joogay
Barcelona inay tahay inuu dalbaday in lasiiyo dhamaan lacagaha uu ku yeelanayo kooxda
ee sanadka qandaraaskiisa ugu hadhsan taas oo caqabadku ah kooxda balse ay boodhka
kooxdu doo nayeen in ay fasaxaa isaga warar kale ayaa sheegaya in ay Barcelona
xaqiiqsatay in ay adkaan doonto in ay helaa bedelkiisa sababo la xidhiidha xaalada
dhaqaale xumo ee koodu ku jirto kuna kaliftay in ay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan
sidii ay usii haysan lahaayeen, ugu danbayn sanadka danbe waxa laga rajaynayaa in uu
kooxda koobab ku hogaamiyo iyo waliba in lagu sameeyo kooxda waxoogaa is badal ah.