Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay si weyn u doonayaan
macalin Axadii lasoo dhaafay kula guulaysay kooxdiisa koobka labaad ee dalka Nederland
KNVB waana koobkii labaad ee uu kula guulaysto isagoo sandkii hore u qaaday
Horyaalka dalkaasi macalinka aynu ka hadlaynaa waamacalinka kooxda Feynoord
ee lagu magacaabo Arne Slot oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay macalimiinta ugu
horumarsan kubada cagta yurub ayey kooxda Liverpool si xoogan kusoo gashay kadib markii
Shalay ay soobaxeen wararka la xidhiidha in macalinka Sporting Lisbon oo mudo lala
xidhiidhinayey usoo duulay London si uu wada hadal ulo furo kooxda Westham united waana
macalinkii labaad ee Liverpool lala ay ku hungowday kadib markii Xabi Alonso uu isna
ku dhawaaqay inuu sii joogi doono kooxdiisa Bayern Leverkusen oo uu kula guulaystay
Horyaalka Jalmalka ee Bundesliga.
Hadaba waa kuma Arne Slot? Slot wuxuu ahaa ciyaartoy ka ciyaara khadka dhexe wuxuuna
2002 kula guulaystay horyaalaka heerka labaad kooxda FC Zwolle waxa kaloo uu usoo ciyaaray
Nac Breda iyo Sparta Rotterdam ka hor inii aanu ka fadhiisanin ciyaaraha wuxuu koob kale
kula guulaystay Pec Zwolle 2012 intaa kadib wuxuu bilaabay xirfadiisa tababara nimo oo
uu ku guulaystay Horyaalka dalka Nederland koobka labaad ee dalkaasi sanadkan.