Kooxda kubada cagta Astonvilla ayaa lagu soo
waramayaa in ay qandaraaska u kordhisay
maxalinkeeda kooxda ee Unai Emery oo
qalinka ku duugay hishiis cusub oo socondoona ilaa 2027.
52 jirkan rer Spain ayaa kooda ku hogaamiyey
inay usoo baxdo koobka Europe oo ay ugu
danbaysay 2010kii isagoo kooxda si wanaagsan
isugu habaystay sanadkan ku dagaalama inay
usoo baxaan Champignons league oo ay booska
afraad isku eryanayaan kooxda Tottenham.
Maamulka astonvilla ayaa ku faraxsan in ay ku
dhawaaqoin tababarahoodu ka ogolaaday inuu
qandarrska u kordhiyo siina wato shaqada
wanaagsan ee uu kooxda ka hayo iyo dib u
dhiskeedaba sidoo kale Emery ayaa yidhi
waxaanu ku faraxsanahay dhamaantayo aniga
taageerayaasha mulkiilayaasha kooxdan
cajiibka ah ee aanu haysano. Waxaana uu
amaanay mulkiilayaasha kooxda oo uu ku
tilmaamay kuwo kuwo aad u taageera oo
ixtiraam leh waxuuna kubdaray inay leeyihiin
jawiwanaagsan iyo qaabdhismeedkii saxda
ahaa ee lagu hormarinlahaa kooxda. Dhanka
kale gudoomiyaha kooxda Nassef Sawiris ayaa
dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin
macalinkooda iyo inay ku taageeridoonaan
aragtidiisa ah inay ku soo celiyaan xooxda
Astonvilla heerkeedii hore oo sare loosooqaado
madaama ay tahay kooxdu aasaasihii kubada
cagta ingiriiska ayna isu diyaarinayaan xaflada
sanadguurada 150aad ee kooxda.