CHAMPIONS!! INTER MILAN OO KU GUULAYSATY KOOBKOODII LABAATANAAD IYO XIDIGTII LABAAD

 


Kooxda kubada cagta ee Inter Milan ayaa ku guulaysatay horyaalkoodii 20aad oo ay ku sii

istaagtay kooxda ay isku magaala iyo waliba  garoonka yihiin ee AC Milan.

Labada kooxood waxay wada ciyaareen ciyaar aad u adkayd ahaydna midii ugu xiisaha

 badnayd dhankaas iyo Talyaaniga sanadkan

Waxayna xambaarsanayd magacii caanka ahaa ee Derby Della Madonnina oo ciyaartuna sidaas

ahaydba iyadoo Milan ay ka hor istaagi kari wayday Inter in ay iyaga ku sii istaagto kana

xoogsato sadexda dhibcood ee ay uga baahnaayeen  horyaalkooda si loogu caleemo

saaro markoodii labaatanaad oo dhamaakii ciyaarta ku soo gaba gabowday qas iyo dagaal

Iyo waliba sadex casaan oo ay labada kooxood  qaybsadeen.

Ciyaartan oo fursado badan la iska qasaariyey waxay intar hogaanaka u qabatay daqiiqadii

17aad oo koorne lasoo qaadan oo ciyaartoy  madaxa ku siidhuftay ay u tagtay Acerbi oo

meel cidlo ah ay kubadu ugu tagtay wuxuuna ku qabtay madax xoogan oo uu shabaqa

dhexdhigay qaybtii horena waxaa lagu kala nastay 0-1. Qaybtii labaad ayey u labeeyeen 

waxaana goolka labaad dhaliyey Marcus Thuram oo fursado dhawr ah oo uu qasaariyey

kadib ceebtii iska maydhay daqiiqadii 49aad waxaana goolka madiga ah u dhaliyey Milan 

Ficayo Tamori oo kuabad madax ahayd oo goolwade Yann Sommer soo celiyey madax 

Kagag dhaliyey daqiiqadii 80aad ciyaartiina  Waxay kusoo dhamaatay 1-2 ay guushu ku

 


raacday Nerrazurri looguna caleemo saaray  koobkoodii labaatanaad iyo waliba xidigtooda

labaad oo ay ku tolandoonaan maaliyadahooda Waxaana kaliya ka xidigo badan Juventus oo

sadex xidigood leh.  xidigaha waxaa lagu helaa inaad ku guulaysato

Toban horyaalka Talyaaniga ah Inter waxay soo dhaliyeen 77 gool waxaana laga dhaliyey 18gool

waxayna guul daraysteen hal kulan xili ciyaareedkan waxayna ku faaiideen Marcus 

Thuram oo ay si billash ah ku heleen xagaagii hore oo isaga iyo Lautaro Martinez dhaliyeen

 35 gool iyo 16 caawimo xiliciyaareedkiisii ugu horeeyey. 



Post a Comment

Previous Post Next Post