PSG oo Barcelona kasoo cidhib tirtay Champions League una soo baxday Semifilka




Waa habeen kale oo aynu daawanay musalsalo kale oo ka dhacay Champoins Leage  ka dib markii qaab isku mid ah looga reebay labada kooxood ee reer Spain ee kala ah Barcelona iyo Atlantico Madrid iyadoo  Barcelona lagu garaacay 1-4  halka Atlantico Madridna lagusoo tumaya 2-4.

Aynu ku horeynee waxaa ciyaar aad loo xiisaynaayey oo u dhaxayay kooxaha BARCELONA iyo PSG oo la joogay guriga kooxda rer Spain ee Barcelona, ciyaartaas oo ku bilaabatay xiisihii laga filayey ayay ku qaadatay kooxda Barcelona inay gool ka dhaliso PSG kaliya 12 daqiiqo goolkaas oo neefta ku celiyey taageerayaasha kooxda rer  France kuwaas oo rajadoodu ay ahayn in ay usoo gudbaan wareega

Semifinalka balse layaab ay ku noqotay in xili horeba la boobsiiyey halka taageerayaasha Barcelona farxadoodii sii siyaaday maadaama lugtii hore ay soo badiyeen lugtii labaadna gool la hor mareen  goalkaas oo uu udhaliyey Rafinha oo baas quruxbadan ka helay da yarta kooxdiisa ee Jamal.

Lakiin farxadaasi may sii waran  waxaana waxkastaa is badaleen markii kooxda barcelona casaan uu ka qaatay daqiiqadii 29aad difaacooda Aruja casaan kaas oo kooxda u horseeday niyad jab wayn iyo in ay inta badan ciyaarta ku dhamaystaan Toban ciyaartoy waxaana furmay difaaca kooxda halka dhexdiina aysoo duntay  wuxuuna tababare Xavi ku qasbanaaday in uu difaaciisa xoojiyo maadaama PSG ay

haysato weeraro dila yaal ah   wuxuuna saaray Lamine Jamal oo halis joogto ah ku ahaa  PSG oo  garabkiisa aad iskaga ilaalinaysay waxayna u noqotay fursad kale oo fiican maadaama ay dareemeen nafis badan.


In kastoo Barcelona ay dadaalbadan sameeyeen hadana  waxaa lasoo barbareeyey daqiiqadii 40aad waxaana kubad  uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Barcola ku barbareeyey xidigeedii hore ee Dembelle kaas oo u muuqday in kooxda ay cadaawad weyn isku hayaan wax naxariis ahna aan u muujinayn  in kastoo kooxdiisii hore ay qaateen Labo caas iyo shan kaadh oo huruud ah.

Qaybtii danbe ayey PSG weerarkeda sii xoojisay maadaama ay ogaayeen in Barcelona ay 10 ciyaartoy ku ciyaarayso waxaana giool labaad ka dhaliyey Vitinha oo isna sidoo kale sida Dembelle kulankii horena gool kasoo dhaliyey najiitana ka  dhigay 1-2 taas oo isku darka labada lugood ka dhigtay 4-4

intaa wixii ka dan beeyeyna Mpabbe ayaa yidhi ii daaya inta kale anaa ku baashaalayee wuxuuna is raacsaday labagool oo xidhiidh ah ciyaartiina waxay kusoo dhamaatay 1-4 ay guushu kusoo raacday PSG wadarta guud ee goolashana ka dhigtay 4-6 waxayna Semifilanka wada ciyaaridoonaan kooxda rer Jarmany ee Borussia Dortmund oo kasoo takhalustay Atlantico Madrid.

Tababare Xavi oo ciyaarta kadib hadlay ayaa sheegay in garsoorihii ciyaarta hayay uu dilay ciyaarta sabana u ahaa in kooxdiisa la garaaco  isagoo sidoo kale caas uu siiyey garsooruhu ka dib cadho uu muujiyey.


talow malaga yaabaa in sanadkan PSG ay ku guulaysan karto Champions league markeedii ugu horeysay?





Post a Comment

Previous Post Next Post