Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa markale laga soo reebay tartankii aadka u xiisaha badnaa ee
Champignons league oo waliba ay kasoo reebeen kooxda xiliyadii ugu danbaysag dhuunta u gashay ee Bayern München.
Tani waxay lamid tahay in kooxda uu soo gaadhay dhaawac weyn maadaama ay ku tashanayeen in ay
ka soo aar goostaan Bayern oo laf dhuungashay ku noqotay iyo in ay mudo dheer kadib yimaadaan Semifinalka Champignons league
Waxaa dhex martay laba kooxood ciyaar aad u xiiso badnayd oo isku dheeli tirnayd lakiin lala ciyaaray
Arsenal ciyaar maskaxeed cajiib ahayd iyadoo loo diiday in ay shabaqa Bayern sootaabtaan waxayna
qaybtii hore ee ciyaarta oo fursado labda dhinacba iska lumiyeen ku dhamaatay 0-0 taas oo lawada
filayey in qabta labaad kasii xiiso badnaandoonto oo kooxkastaa raadin doonto goolkii furitaanka ciyaarta.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey Bayern lasoo baxday firfircooni
Waana rajada kaliya ee Bayern München sanadkan leeyihiin maadaama horyaalkii dalkooda ee
Bundesliga laga qaaday oo ay gacmo madhan tahay, halka Arsenal qudheeda rajada ugu dhaw inay
koob ku guulaysataa ay tahay horyaalka ingiriiska ee Premier league oo hada ay hogaaminayso Manchester city.