Realmadrid oo champions league rigooreyaal kaga soo reebtay Manchester city ciaar nasiibku ka hiiliyey City

 


Lama filaanka ciyaaruhu sanadkan aad ayuu u batee waxaa guul muhiim ah soo gaadhay kooxda

 kooxaha yurub ee Realmadrid oo fara cidi leh kagasoo badbaaday kooxda Manchester city oo  gurigeeda joogtay.

Waxa ciyaar kale oo xiise badnayd kana tirsanayd Champignons league ay soo dhex martay kooxaha

 Manchester city iyo Realmadrid lugtii labaad oo kalabax ahayd waxaana ciyaartani ina tustay sida nsiibku uga awood badan yahay waxkasta.

Kooxda Manchester city waxay ahayd kooxda ciyaartan gacanta ku haysatay una maa mulaysay sida

 iyagu ay doonaan waxayna Madrid kasoo qaadeen sidii koox yar oo tartankan ku cusub taasoo layaab ku noqotay taageerayaal badan.

Realmadrid waxay ku dhamaysatay kulankan iyagoo difaac ku jira in kastoo ay gool kaga horeeyeen

 Manchester city waxayna ka dhaliyeen daqiiqadii 12aad  waxaana u dhaliyey Rodrigo  ciaartiina waxay

 noqotay 0-1 ay hogaanka ku qabatay  in kastoo isku dayo lasameeyey hadana sidaas ayaa qaybtii hore lagu kalanastay.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey Manchester city  weerarkeedii sii xoojisay  waxayna xerada ganaaxa ku

 ururiyeen kooxdii wayned ee Realmadrid iyagoo  weerar ku harqiyey  halka Realmadridna ay difaacsho jilbaha u aasatay.

Tababare Guardiola ayaa is badal ku sameeyey shaxdiisa kaasoo uu ku faaiiday  wuxuu soo galiyey

 Duku oo sabab u noqday in ciyaar ay barbareeyaan daqiiqadii 76aad waxaana goalka barbaraha u

 dhaliyey xidigeeda Kevin de  Bruyne sidaasna kaga maysan hadhine way siiwadeen dadalkooda inkastoo aanay u suurto galin in ciyaarta gool kale kadhasho.

Isku darka darbooyinka ay Manchester city  ku tuureen goolka Realmadrid waxay ahaayeen 34 darbo

 halka iyaga kaliya 8 jeer lagu soo tuuray taas oo ku tusaysa sida ciyaartan loogu kala awood badnaa.

Post a Comment

Previous Post Next Post