kooxda kubadacagta ee Borussia Dortmund ayaa cashar adag u soo dhigtay kooxda Atlantico Madrid
oo marti ugu ahayd gurigooda kulan ka tirsanaa Champoins league lugtii labaad iyadoo kulankii hore
laga soo badiyey kooxda Dortmund kulankan oo saadaal laba dhinac ah lahayd ayaa kooxda martida
loo ahaa ee Dortmond ay qabtii hore ee ciyaarta la timi laba gool oo ay kala dhaliyeen daqii 34 iyo
39aad oo ay ukala dhaliyeen Jullian Brandt iyoIan Maatsen iyagoo waliba ku dadaalaayey in ay u
sadexeeyaan laakiin qabtii hore lagu kala nastay guul ay gacanta ku haysatay kooxda Dortmun in kastoo ay goolal iska qasaariyeen labada kooxoodba.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaan iyaduna noqonin sidii lafilanayey ka dib sadexx is badal oo uu
sameeyey tababaraha Atlantico Madrid Diogo Simeone oo soo wada galiyey Angel Correa, Pablo
Barrios iyo Rodrigo Riquelme ayaa ciyaarta ku soo celiyey kooxdooda oo awooday in laabadii goolba
soo barbareeyaan daqiiqadii 49aad ayuu difaaca B Dortmun ee Hummels iska dhaliyey gool uu si
qaldan ugu leexiyey goolkii uu waardiyaha ka ahaa halka ay daqiiqadii 64aadna la yimaadeen
goolkoodii labaad oo uu dhaliyey Angel Correa oo badal ku soo galay ciyaarta kana dhigay jawigii
ciyaarta mid u janjeedhsaday xagaas iyo Atlatico Madrid iyo 2-2.
balse farxadaasi baaqi kumaysii ahaane waxaa wacdaro lasoo baxay xidiga lagumagacaabo Marcel
Sabitzer oo isagu ciyaarta inteedii danbe is baray kooxda ay wada ciyaarayeen ee A Matrid waxaana
markaliya is badalay jawiga ciyaarta daqiiqadii 71aad oo Dormund ay la timi goolleedii sadexaad
waxaana u dhaliyeyNiclas Fulkrug halka saxed daqiiqadood kadibna uu Marcel Sabitzer ugu daray
goolkoodii afraad ciyaartiina waxay ku soo dhamaatay 4-2 ay guushu kusoo raacday kooxda martida
loo ahaa ee Borussia Dortmund waxaana sidaas markaliya kaga wada baxay tartankan laba kooxood oo
kasoo wada jeeda Spain waana Barcelona iyo Atlantico Madrid.
Kuna darsoo xidan lagu magacaabo Sabitzer ee goolna caawiyey midkalena isagu dhaliyey waxaa iska
soo nacday kooxda Manchester united oo imika iyadu ku ducaysanaysa in ay Premierleague ku dhamaystaan kaalinta 4aad.