Everton oo markale dhibco laga jaray




 War degdeg ah oo dhawaan soo baxay ayaa lagu sheegay in kooxda Everton markale laga jaray labo dhibcood kadib markii ay jabisay sharciyada maaliyadeed.

Tofees ayaa laga jaray laba dhibcood oo danbe laakin waxay ku dhawaaqeen in ay rafcaan ka qaadan doonaan  waxayna dhaleeceeyeen iswaafaq la aanta Premierleague ee ganaaxa kale ku riday waxayna sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin in  markale laga jaro laba dhibcood oo dheeri ah sabab la xidhiidha jabinta labaad ee sharciyada maaliyadeed oo hore loogu ciqaabay.

Everton waxaa Toban dhibcood laga jaray  bishii November oo ay rafcaan ka qaateen kaas oo ay ku guulaysteen in ganaaxa laga qafiifiyo oo laga dhigo Lix dhibcood oo kali ah.

Tofees waxay kaloo ku doodayaan in laba khatarood ay tahay in la tixgaliyo ciqaabtan cusub marka loo eego in ciqaabtii hore loogu ciqaabay dhaqaale wanaaga  ee ku saabsanayd labadii sano ee lasoo dhaafay in ay qarashaadkani baxeen ay ku jirto jabintan  hada lasoo cusboonaysiiyey oo aanay ahayn in lagu ganaaxo.

Ganaaxan cusub ayaa ka dhigan in Everton oo ku jirtay kaalinta 15aad hada ay u dhacdo kaalinta 16aad lLabo dhibcood oo kali ahna ay ka sarayso kooxda kaalinta 18aad fadhida ee Luton taas oo cabsi wayn ku abuurtay kooxdan oo aan xaalkeedu wanaagsanayn kulamadii ugu danbeeyey ee ay ciyaarto

Post a Comment

Previous Post Next Post