Champignons Leverkusen oo ku guulaysatay Koobkeedii abid ugu horeeyey ee Bundesliga

 


Kooxda Bayern Leverkusen ayaa markeedii ugu horaysay taariikhda intii ay dhisnayd ku guulaystay koobka horyaalka Jalmalka ee Bundesliga, iyaga oo 5-0 ku garracay  kooda Bremen, iskana reebtay naanaysteedii  caanka ahayd ee Neverkusen.

Leverkusen ayaa taariikh cajiib ah samaysay waxayna koobka ku guulaysatay iydoon wax guul daro ahi soo gaadhin xili ciyaareedkan, waxayna soo afjartay 11 sanadood oo Bayern München ay si xidhiidh ah ugu guulaysanaysay horyaalka Jalmalka.

Leverkusen oo labadii xili ciyaared ee ay ugu dhawayd inay koobkan hanato ay ahaayeen 1999-2000 iyo 2001-2002 oo kulamadii ugu danbeeyey ku wayday waliba mid kamida ku wayday gool uu is dhaliyey xidigedee  caanka ahaa  ee Micheal Ballack ciyaartii ugu danbeysay ee xili ciyaareedkii 1999-2000 ayaa ugu dabaal degtay Lix iyo toban dhibcood oo nadiif ah iyadoo xiliciyaareedku dhamaan wali.

Ciyaartan oo soo afjartay inkaartii 120 sano ee koobab la aaneed ee kooxdan ayey taageerayaashedu farxad darteed soo galeen garoonka iyadoo ciyaartu aanay dhamaanin,halka markii ciyaarku dhamaatayna ay garoonka soo buuxdhaafiyeen iyagoo kula dabaaldegaya ciyaartoyda kooxdooda.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kalanastay 1-0 halka qaybtii labaadna ay 4 gool oo kale layimaadeen waxaan sadexley dhaliyey Florian Fritz oo bedel ku soo galay ciyaarta halka labada gool ee kale ay kala dhaliyeen Boniface iyo xidigii hore ee Arsenal Xhaka.

Goolka koobaad wuxuu ahaa rigoore uu dhaliyey VictorBoniface gool ka labaadna meelfog ayuu Xhaka kasoo toogtay goalka halka Fritz sadexley israacsaday. 

Tababare Xabi Alonso iyo teamkiisani waxay baal dahab ah ka galeen taariikhda kooxda Bayern Leverkusen, waxaana tababaraha loogu magacdaray jid u dhaw garoonka kooxda wuxuuna ahaan doonaa mid aanay waligood iloobin kooxda iyo taagerayaashuba.

Waxa kale oo uu nasiib uyeeshay in waayihiisa tababare uu ku bilowdo sidii ugu wanaagsanayd iyo koobkan oo aanay cidina ka filaynin inuu u qaadi doono.

Post a Comment

Previous Post Next Post