Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa iska lumisay fursad ay ku sii haysanlahayd hogaanka horyaalka
ingiriiska ee Premier league kaasoo hada ay ku jiraan kaalinta labaad.
Kooxda Arteta ayaa lasoo kulantay guuldaro xanuun badan iyagoo jooga gurigooda taasoo hogaanka
Premier league gacanta sibuuxda ugu galisay Manchester city oo laba dhibcood oo nadiif ah ku haysa.
Arsenal iyo Liverpool ayaa guuldarooyin lasoo kulmay hoosna uga soo dhacay figtii sare ee Premier League kuna kala jira kaalinta labaad iyo sadexaad.
Arsenal oo gurigeeda joogta ayaa waxaa 0-2 kusoo karbaashtay Astonvilla oo u dagaalamaysay
kaalinta 4aad oo ay Totenham ku haysato hadii ay ciyaartan guuldaro lakulmi lahaayeena ay waayi lahaayeen kaalinta 4aad.
Laba gool oo xilidanbe laga dhaliyey una dhaxaysay kaliya saxed daqiiqo ayaa soo afjaray guul daro la
aantoodii soo socotay tan iyo bilawgii sanadkan 2024 oo koobiyo toban kulan aan dhinacooda dhulka ladhin.
Goolashan waxaa kala dhaliyey Leon Bailey iyo Olie Watkins daqiiqadii 84aad iyo 87aad waxayna
xanuunbadan ku ahayd taageersha Arsenal oo ogsoonaa in City ay soo badisay Liverpool na lasoo garaacay.
Arsenal oo ciyaarta inteeda badan iska maamulanaysay waxaa la tacaalay goalkeeperka Villa ee
Martinez oo dhawr kubadood oo goal loo fishay ka beeniyey Arsenal halka ay isku dar toogteen
goalka Astonvilla 17 jeer balse nasiib umay helin inay guuldaro ka badbaadaan halka Astonvilla
labajeer oo ay weerar rogaalcelis ah oo ay qaaday u badalatay labo gool.
Isbadal uu sameeyey tababare Unai Emiry ayaa ciyaarta wajikale u yeelay kuna qasbay taageersha
Arsenal oo gurigooda joogaa ay afka gacanta saaraan kadib markay garwaaqsadeen in aanay maalintoodii ahayn oo ay soogaadhay guuldaro 0-2 ah.
Astonvilla waxay u ahayd guul muhiim ah waxayna yeessheen 63 dhibcood iyagoo kasoo durkay
Totenham halka Arsenal iyo Liverpool ay kunagaadeen 71 dhibcood Cityna 73 dhibcood.