Kooxda kubada cagta liverpool ayaa markale lagu garaacay gurigeeda iyagoo ogsoon in Manchester city ay soo guulaysatay kuna fadhido figta sare ee Premier league.
Kooxda Klopp ayaa awoodi wayday inay barbarayso goal daqiiqadii 14aad ee ciyaarta laga dhaliyey goal kaas oo u muuqday in macalinka liverpool xataa uu layaabay.
Layaab ayey ku noqotay qofkasta in Crystalpalace ay Liverpool gurigeeda ku garaacaan maadaama
tobonkii kulan ee ugu danbeysay aanay wax guul ah soo gaadhin waxaad moodaa in liverpool qorigeeda la qabtay oo ay u nugushahay kubadaha rogaal celiska ah.
In kastoo ciyaarta ay maamulaysay Liverpool hadana nasiibka ayaa diiday waxayna iska lumiyeen
fursado badan oo ay dhalinkarayeen taasoo ugu danbayn ku soo dhamaatay in gurigooda lagaga badiyo 0-1
Klopp oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka tagaya kooxda ayaa rajaynayey in uu koobab ku sii
macasalaameeyo lakiin taasi waxay u muuqataa kaliya riyo kadib markii kulankii Euro league lagu garaacay 0-3 iyagoo gurigooda jooga.
Way adagtahay in ay ku guulaystaan Premier League ama Europa League waxayna niyadjab wayn ku
tahay macalin Klopp intastoo wali ay rajo ka leeyihiin horyaalka oo ay kaalinta sadexaad fadhiyaan.
Badi ciyaartoyda kooxda Liverpool aad ayey u niyad jabsan yihiin waxay dadaal ugu jiraan sidii ay
isaga ilaalin lahaayeen in markale ay sameeyaan qaladaadkan faraha badan ee guul darooyinka u
horseeday iyo in ay hore u mariyaan weeraryahandoodu sidii ay u yarayn lahaayeen kobad qasaarintan badan una dhalin lahaayeen goolal.