Liverpool suffered the heaviest defeat at home this year and Anfield unbeaten steak enden by Atalanta

 


Waa habeen kale oo ay tahay inay iska iloobaan kooxda liverpool iyo taageerayaasheeduba kadib markii ay Atlanta  bahdilaadii ugu xumayd ee sanadkan ugu gaysatay isla guriga Anfield.

Cidina maysan filanain in guuldaro sidan uwayni ay ku dhicidoonto ciyaar ka tirsanayd Europa league oo ay ku dagaalamayeen labada naadi ee Liverpool iyo Atalanat  ayaa noqotay mid indhaha taageerayaasha caalamka soo jiidatay kadib markii ay kooxda liverpool lasoo daristay guuldaro xanuun badan oo dhagin in ay god kaga dhacday rajadii inay kusoo guulaystaan Euroba league.

Isla qaladkale oo uu sameeyey tababaraha liverpool ee Jurgen Klopp  oo aan la aqoon sababta uu xiliyada xaasaasiga ah iskugu qasmo  ayaa dhacday caawana.

Kadib markii uu ku qamaaray shaxdiisa uu kusoo galay ciyaarta kaliftayna in qayb kamida taageerayaasha kooxdiisu ka dareeraan garoonka daqiiqadii 85aad

Qaybtii hore kooxda liverpool waxay iska qasaarisay fursadahoodii ugu muhiimsanaa waxaana lagaga naxsaday goal daqiiqadii 38aad halka uu macalinka liverpool badal horeba ku soo galiyey afar ciyaartoydiisii muhiumka ahaa ah lakin taasi waxba kamabadalin natiijada ee wayba uga dartay qaybtii danbena waxaa loogu daray labo gool oo kale ciyaartina waxay kusoo dhamaatay 0-3 ay Atalanta guul ay u qalantay soo gaadhay.

Post a Comment

Previous Post Next Post