PSG iyo Barcelona oo wada ciyaaray ciyaar ka tirsanayd champignons league ayaa soo ban dhigay ciyaar cajiib ahayd oo lagu raaxaystay marka loo eego in laba kooxood isu ciyaar ahaayeen.
PSG oo gurigeda la joogay ayaanay u ahayn habeen wanaagsan maadaama ay awoodi waayeen in ay Barcelona garaacaan amaba barbareeyaan taas oo markale shaki galisay in ay soo gudbi karaan iyo inkale.
Waxa ciyaanrat goalkii koobaad laga dhaliyey daqiiqadii 37aad goalkaa oo uu ka dhaliyey Rafinha waxaana lagu kala nastay 0-1 ay Barcelona leedahay.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey PSG latimi goalka barbaraha daqiigadii 48aad waxaana u dhaliyey Denbelle oo isla Barcelona lagasoo iibsaday walow uu si wayn u dabaaldegay markuu goalka dhaliyey.
Wax badan kuma qaadanin PSG inay goal labaad latimaado waxaana u saxiixay xidigooda Vitiha daqiiqadii 51aad ciaartana ka dhigay 2-1.
Waxay u muuqatay in Barcelona lagaraaci doono lakiin Barcelona ayaa diiday inay is dhiibto waxayna kusoo laabatay ciyaarta daqiiqadii 62aad oo Rafinha goalkiisa labaad ahna goalkii barbaraha dhaliyey kana dhigay 2-2 goalkan oo si cajiib ahayd loosoo daba mariyey difaacyahanada PSG.
Intaa kagama hadhine daqiiqadii 77aad ayay Barcelona goalkeeda saxexaad latimi ciyaartana ka dhigtay 2-3 ay guushu kusoo raacday.
Ciyaartan waxaa la waayey xidigii PSG ee kylian mpabbe oo maqane jooga ka ahaa ciyaartan.