Ciyaarta ugu adag champignons league ee Realmadrid iyo Manchester city ayaa inana kusoo dhamaatay barbardhac la iska dhaliyey min sadex goal.
Ciyaartan oo Cajiib ahayd una muuqatay inay musalsalkale tahay ayey kooxdii martida ahayd ee City ku qaadatay inay shabaqa Madrid soo taabato kaliya labo daqiiqo.
Qalad lagugalay Gralish ayuu Bernando Silva oo laad xor ah soo tuuray ubadalay goal uu goalhayaha ku qiyaanay.
Realmadrid oo iyaduna dedaal badan samaysay ayaa daqiiqadii 12aad goalka barbaraha keensatay
goalkaas oo uu difaacyahnka City ee Diaz kubad lugtiisa ku sii dhacday u waydaaray goalkii uu waardiyaha ka ahaa ciyaartiina ka dhigay 1-1.
Intaa kumajoogsan Realmadrid ee labo daqiiqadood kadib ayey u labeeyeen waxaana goalka labaad ka dhaliyey Rodrigo qaybtii hore ee ciyaartana waxa lagu kala baxay 2-1.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayey Realmadrid dadaalkeeda halkii kasii waday isku dayo badan oo ay
sameeyeen uma suurtogalin inay u sadexeeyaan balse taa bedelkeeda iyagaaba lasoo barbareeyey daqiigadii 66aad waxaana goal gantaal ah kadhaliyey Forden.
Ciyaarta xiisaheedii kor ayuu usii kacay waxaana koox kastaaba ku dadaalayeen inay goalkale
layimaadaa waxayna taasi usuurto gashay Manchester city oo daqiiqadii 71 aad goalka sadexaad latimi
waxaana udhaliyey difaacyahankooda Gvardiol balse Realmadrid waqti badan kuma qaadanin inay soo
barbareeyaan daqiiqadii 79 aad ayey goalka barbaraha keensatay waxaana u dhaliye Valverde
ciyaartiina waxay kusoo dhamaatay 3-3 waxaana kulankalabaad laysla tagidoonaa Ethahad Stadium ee magaalada Manchester.