Xiisihii champignons league ayaa markale soo laabtay caawa markii ay gondaha isla Galeen labada
kooxood ee Arsenal iyo Bayern München ciyaartan oo aad indhaha caalamku u eegayeen sababo la
xidhiidha in Bayern München ay laf dhuungashay kunoqotay kooxda arsenal.
Oo ay waliba isku darka labada lugood sixun u karbaashaysay ayaa ciyaartani ku soo beegantay xili
xaaladaha labadakooxood is badaleen oo Arsenalna ay xoogaysatay halka Bayern xaalkeedu sanadkan aanu u wanaagsanayn sidii hore.
Waxa ciyaartoo labo iyo toban daqiiqadood socota shabaqa qool quruxbadnaa oo uu gool ilaaliya
Bayern Neur gaadhi waayey ku hubsaday Zaka goalkaas oo taageerayaasha Arsenalna aad ugu
riyaaqeen sawaxan iyo qaylo xooganina garoonka dhexdiisa is qabsatay kaliya ay haysteen lix daqiiqo.
Daqiiqadii sideed iyo tobnaad ayaa Gnabry goolka usoo celiyey Bayern ciyaartana ka dhigay 1-1 bal se
sawaxan majirin maadaama Bayern ay bilaa taageerayaal ku ciyaarayeen kulankan sidaasoo ay tahay
hadana kubad rogaalcelis ah ayey difaacyahanada Arsenal qalad ku galeen Sane waxaana lagu
abaalmariyey Penelty oo uu Kane shabaqa ku hubsaday qaybtii hore ee ciyaartana waxa lagu kala nastay 1-2.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu tababare arteta sameeyey isbadal xaga ciyaartoyda ah wuxuuna ku soo
tuuray Zinchenko isagoo tababaruhu ogsoonaa in ay ciyaarta ku gacansareeyeen goalka barbarahana ay keeni karaan xilikasta.
Waxa ay dadaal badan muujiyaanba way layimaadaan goalka barbaraha daqiigadii 76aad wuxuuna ahaa
goal lagasoo shaqeeyey oo uu shabaqa ku hubsaday Trossard oo badal kusoogalay ciyaartiina waxay
kusoo dhamaatay 2-2 waxaana laysla aadidoonaa Alianz Arena iyo München.