Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa markale lasoo kulantay barbardhac niyad jableh kadib markii guul
gacantooda ku jirtay ay lumiyeen daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta waana si lamida sidii ay
kusameeyeen kulankan kii kahoreeyey ay la ciyaarayeen Manchester united.
Chelsea waxay hogaanka ciyaarta qabatay kaliya markii ay ciyaartu socotay 11 daqiiqo waxaan goal u
dhaliyey xidigeeda dada weyn ee Silva balse goolkaas waa laga dabakeenay daqiiqadii 32aad
waxaana barbareeyey xidiga Bogle ee Shaffield united.
Qaybtii hore waxaa lagukala nastay barbardhac 1-1 ay wadagaleen labada kooxeed ee Shaffield united iyo Chelsea.
Qaybtii labaad dadaalbadan oo ay kooxuhu sameeyeen waxaa Chelsea usuuro gashay in ay daqiiqadii
66aad goal kale layimaadaan kaasoo uu u dhaliyey xidigeeda Madueke waxayna niyada gashteen in ay
3da dhibcood kusoo qaateen gurida Shaffield lakiin waxaa farxadoodu burburtay daqiiqadii ugu
danbaysay ciyaarta oo la barbareeyey waxaana goalka barbaraha ka dhaliyey McBurnie.
Waxaa ciyaar wanaagsan soo bandhigay oo helay qiimayn sare kaliya 4 ciyaartoy dhamaan ciyaartoyda
labada kooxood waxayna kala yihiin :
Cole Palmar 6.5 Noni Maduke 7.5 McBurnie 7iyo Brereton Diaz 6.5. xidiga garoonka waxaa calfaday Madueke
Xidigihii fashilmay:
Waxa fashilmay isku darka labada kooxood oo qiimayn hoose lasiiyey sideed ciyaartoy oo lix kamidi
heleen qiimayn 5 ah halka labada kale aanay waxba dhaamin oo ay heleen qiimayn 5.5 ah waxaanay kala yihiin:
Petrovic 5 Disasi 5 Caicedo 5 Robinson 5 Ahmedhozic 5 iyo Cucurella 5.5 Chalobah 5.5