Horyaalka wadanka ingriiska ee Premier league waxaa ka dhacay kulamo sameeyey isbedel xaga
kalasaraynta horyaalka ah iyadoo kooxdii Liverpool ay lumisay kaalinta koobaad Arsenaalna ay
noqotay Hogaamiyayaasha Horyaalaka ayaa Tottenhamna ay soo gashay kaalinta afraad oo ay dagaal
iyo dadaalba usoo gasahay ka dib markii ay Nottingham forest 3-1 afka kasoo galiyeen.
ciyaarta Tottenham iyo Nottingham markay waxayar socotayba weerar degdeg ah oo aysoo qaadeen
Tottenham ayaa garabka bidix lagasoo baasay taasoo difaaca Nottingham ee Murillo uu goolkiisa ku
duway daqiiqadii 15aad halka dadaal badan oo ay sameeyeen ciyaartoyda Nottingham ay soo
barbareeyeen daqiiqadii 27 waxaana goalka barbaraha u dhaliyey weeraryahankooda Woods ciyaartana
qaybteedii hore waxaa lagu kalabaxay barbardhac 1-1 ah.
Isku dayo badan oo aysameeyeen Nottingham way usuurto galiwayday in ay goal kale keensadaan xataa
birta waygaraaceen lakiin markii qaybta labaad lagu soo laabtay waxwaliba waxay udhaceen
dhankakale waxaana labagoal ookale latimi kooxda Tottinham goalkooda labaad waxaa u dhaliyey
difaacooda Van de Ven daqiiqadii 52aad halka goalka sadexaadna waxayar kaadib uu udhaliyey
difaacooda kale ee Porro daqiiqadii 58aad sidaasna Spurs waxay kusoo gashay kaalinta 4aad oo ay min
60 dhibcood leeyihiin kooxda Astonvila waxayna ku hayaan farqiga goolasha waxayna gacanta ku haysstaan ciyaar baaqi u ah.
Halka dhanka kale ay Celsea oo laciyaaraysay
Sheffield ay xejisankariwayday guul
gacanteeda ku jirtay tan iyo daqiiqadii 90+3
oo wadnaha lagu jaray goolka bareejada
Chelsea ayey ku qaadatay in ay ciyaarta
hogaamiyaan kaliya 11 daqiiqo markaasoo
uu goalka hogaanka ay ku qabteen uu
udhaliyey xidigooda Tiago Silva waxaana
lasoo barbareeyey daqiiqadii 32aad oo uu goalka ka dhaliyey Bogde qaybtii horena waxaa lagukala baxay 1-1.
Markii lagusoo noqday qaybta labaad isku dayo badan kadib waxaa daqiiqadii 66aad goal labaad oo uu
udhaliyey Madueke latimi kooxda Chelsea goalkaas oo tan iyo waqtiga dhimashada ay barbareeyeen
kooxda Sheffield united waxaana goalka barbaraha udhaliyey xidigooda lagu magacaabo McBurnie sidaas ayeyna ku niyad jabiyeen kooxda Chelsea