Manchester united prevented Liverpool from taking 3 points at Old Trafford and gifted Arsenal the lead in the Premier League



 Kooxda liverpool ayaa awoodiwayday in ay sii xejisato hogaanka Premierleague ka dib markii ay

 Manchester United lugaha iskaga duubtay una diiday in ay dhibic wax kabada ku kala qaataan

 Oldtraford waliba dhibicdaasoo ahayd mid ay ku rafaadeen oo xilidanbe Rigoore loo dhigay Harvey

 Elliott uu goolka barbaraha u badalay Mo Salah.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxay la timi gool uu udhaliyey xidigeeda Luis Diaz kaas oo

 caawimo ka helay Darwin Nunez waxayna  qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 0-1 taas oo u

 muuqatay Liverpool ay la iman karto ugu yaraan gool kale qaybta 2aad laakiin waxay wax waliba is

 badaleen markii daqiiqadii 50aad uu da yarka difaaca liverpool ee Jarell Quansah  sameeyey qalad

 dilaa ah kaas oo kubada u baasay Bruno Fernandes oo meel fog kasoo toogtay goolka oo cidlo ah kana dhigay ciyaarta 1-1.

Dadaalbadan oo ay Manchester united samaysay waxaa u suurto gashay in uu goal qurux badan u

 dhaliyo xidiga dadayar ee Mainoo kaas oo jiif iyo joogba udiiday Liverpool ciyaartana ka dhigay 2-1

 ilaa salah xilidanbe oo ay ahayd daqiiqadii 84aad uu soo barbareeyey.


waxa aynu eegidoonaa dhawr qodob oo ciyaarta aan ka diiwaan galiyey.

1.TenHaag oo qabtay qoriga Klopp

TenHaag wuxuu qabtay qoriga Klopp wuxuuna kudadaalay in kaliya ay Counter Attack ku qaadaan

 kooxa liverpool taasoo u nugul kubadaha rogaal celinta degdega ah kana tanaasulay in uu ciyaar furan la ciyaaro qorshahaasina wuu u shaqeeyey.

2.Fadhiisintii Gomes

Tababaraha Liverpool wuu ku qaldanaa in uu fadhiisiyo Joe Gomez kulan sidan oo dhan u xasaasiya

 isagoo og in Gomez uu ka khibrad badan yahay Quansah in kastoo xidiganiba sameeyey bandhig fiican in kastoo uu gool isku dhiibay.


3.Fashilka markale ee kubadaha dhinacyada ee Man united

Manchester united waaxay markale ku fashilantay inay joojiso kubadaha lagaga soo weerayo

 dhinacyada iyaga oo og in kulankii chelsea ay guuldaradu ugaga timi. 


Post a Comment

Previous Post Next Post