Kooxda kubada cagta ee Manchester city ayaa u soo baxday Finalka FA Cupka oo ay si dhib badan uga soo talaabsadeen dhigooda Chelsea oo xiliciyaareedkale oo koobab la aan ah dhex fadhida inkasoo kooxda si weyn loo dhisay.
Ciyaartan oo xiiso badnayd labada kooxoodna siweyn ugu dagaalameen ayey Chelsea iska lumisay fursado badan oo ay adagtahay in ay iloobaan taageerayaasha kooxdu waxaana kooxdiisa la degey xidigooda weerarka uga ciyaara ee Nicolas Jackson oo ku qobaystay fursado dahabi ahaa oo kooxdu ku heshay goolka uu waardiyaha ka ahaa Ortega.
Kooxda tababare Pochettinow waxay soo bandhigtay qaabciyaareed cajiib ahaa balse ay waayeen fursadihii ay sameeyeen weeraryahan u dhamaystira taas oo jamaahiirta kooxda ku kicinkarta weeraryankooda Jackson maadaama kubad uu u gooyey gool ilaaliyaha Manchester city uu dib usoo celiyey baas uu sameeyeyna gaabiyey halkii uu goolka ku laadi lahaa taasoo meesha ka saaartay in gool ay dhaliyaan.
Blues waxay ku doodeen in rikgoore loo dhigo markii laadxor ah oo uu Palmar soo tuuray ay gacanta kagadhacday ciyaartoydaxasuusnaayeen in isla garoonkan sanadihii ugu danbeysay dhawr Final lagaga qaaday isla garoonkan Wembley in kastoo ciyaartoygeeda Ceicedo uu markii labaad kaga badbaaday casaan oo uu ciyaartana si xun u laaday Grealish oo loo badalay sababta jugtaa soo gaadhay.
Halka dhanka kale Manchester city ay kasoo kabatay guuldaradii kasoo gaadhay Realmadrid iyadoo waliba Bernando Silva oo ciyaartaas qasaariyey Rikoore uu ciyaartan ku hogaamiyey goolka madiga ah daqiiqadii 84aad una soo saaray Finalka koobkan waxayna Sugi doonaan Manchester united hadii ay soo guulaystaan.
Tababare PEP ayaa layaabay sabata kooxdiisa oo Champoins league soo ciyaartay aan loosiinin maalin dheeraad ah si ay u nastaan oo isu diyaariyaan ciyaartan waxa kaloo uu yidhi waxaan layaabay sida aanu uga badinay Chelsea oo qaabciyaaroodkoodii ugu fiicnaa xiliciyaareedkan nagala hortimi.