Arsenal oo Hogaanka Horyaalka Premier League Lasii Wareegtay



 Kooxda kubada cagta Arsenal ayaa si kumeelgaadh ah ula sii wareegtay hogaanka Premier League ka dib 

markii ay soo tumeen kooxda Wolves ciyaar ka dhacday garoonka Molineux ee Wolverhamptom


Ciyaartan oo  ay kooxda Wolves dadaashay oo  waliba khatar galisay goolka Arsenal hadana may 

Awoodin in ay guuldaro ka badbaado in kastoo ciyaarteedu ay wanaagsanyd.

Waxaana Arsenal indhaha u furay Leandro Trossard oo dhamaadkii qaybta hore gool la haleelay shabaqa

Halka qaybtii danbena sidii si lamida dhamaadka ciyaarta uu kabtanka kooxda Arsenal Martin Odegaard 

uu u labeeyey ciyaartiina ka dhigay 0-2 ay ugu quus gooyeen kooxda Wolves kana saaciday in ay 

Hogaanka horyaalka ku qabtaan hal dhibic oo ay  ka horeeyaan kooxda Manchester City oo ciyaartedii

Labaajiyey maadaama ay ciyaarayeen Semi finalkii F.A Cupka.

Kooxda macalin Arteta ayaa dib ugu soo laabatay tubtii guusha waxayna muu jiyeen sida ay wali 

uga xun yihiin in ay ka hadheen Champions League dabaal gegii lagu yaqaanayna ma sameynin

In kasta oo ay Arsenal ka fursado badnayd  kooxda Wolves hadana goolkeeda koobaad waxay latimi

Daqiiqadii 45aad oo kubad kasoo baxsatay Gabriel Jesus oo difaacyahanada kooxda Wolves culays

Saareen uu saxiib kiisa ay ku kooxda yihiin ee Trosard sideed usii qabad siiyey laad xooganaa waxayna 

Ka kor kagashay  goolka oo gool ilaaliyihii Wolves uu gaadhi waayey 

Fursado ayey heleen Wolves midi birta ayey kaga dhacday kuwii kalena waxaa bad baadiyey

gool ilaaliyaha Arsenal ee David Raya goolkaas ayaa qaybtii hore lagu kala nastay qaybtii llabaad oo

Dhamaanaysana waxaa u labeeyey Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo kubad uu baasay isagoo 

goolka dhinaciisa midig soo galay ay kusoo dhacday difaaca Wolves una soo laabatay wuxuuna 

u badlay goolka labaad ee Arsenal kaas oo meesha ka saaray cadaadis badan oo kooxda saarnaa

Najiitadan ayaa gaadhsiisay Arsenal inay yeelato 74 dhibcood waxayna sugi doontaa inta Man city

ay soo ciyaarayso kulanka u baaqiga ah halka kooxda  Wolves iyana ay ku jirto kaalinta 11aad

Hadii ay Bournemouth soo badisana hoos ayay u dhici doontaa.

Post a Comment

Previous Post Next Post