Arnhem:- kooxda kubada cagta dalka Nederlads ee Vitesse ayaa lagu soo waramayaa in ay xaalad
dhaqaale xumo oo aad u daran dhexda ka gashay ka dib markii ay kooxdan mulkiilayaasheedii ruushka
ahaa iska wareejinin kooxdan iyo maamulkeeda.
baadhitaan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in kooxdu wali xidhiidh la leedahay Mulkiilayaasha
ruushka ah iyo waliba Mulkiilihii hore ee kooxda Chelsea Roman Abramovich taas oo soo dadajisay in
kooxdan oo markeedii horeba ay isugu darsameen dhaqaale xumo iyo iyagoo horyaalka dalka
Nederlads ugu hooseeyey ay hadana haayada maamusha kubada cagta dalkaasi Holland ee KNVB
kusoo rogtay ciqaab adag oo ah in kooxda lagajaro 18 dhibcood taasoo ka dhigan in kooxdani si toosah
uga hadhay Horyaalka daalkaasi markii ugu horeysay mudo 35 sanadood ah maadaama ay kooxdu ka
gaabisay oo aanay soo buuxinin shuruudaha shuruucda shatiyada ee mudada dheer waxaa hubaal ah in
aanay kooxdu sanadka danbe kasoo qayb galayn Eredivisie
Waxay ahayd sanadkii 2022 markii Roman Abramovich laga joojiyey maamulida kooxda Premier
League ee Chelsea ka dib cuna qabatayn ay saartay dawlada wadanka UK iyo Midawga yurub sababo
la xidhiidha doorkii uu ku lahaa duulaankii ruushka ee Ukraine. Natiijo ahaana xidhiidhka kubada
cagta ee wadanka Nederlans laguna magacaabo KNVB wuxuu ka warqabaa khatarta ah in
cunaqabayntii lagu xad gudbay iyadoo lasii wadidoona baadhitaanka xidhiidhka ka dhexeeya kooda Vitesse iyo Abramovich.
Dhanka kale kooxdan waxay is maan dhaafsanyihiin mulkiilaha garoonka ay kooxdu ku ciyaarto ee
GELREDOME laguna magacaabo Michael van de Kuit kaas oo sanadkii kooxdan kiro ahaan uga
qaadan jiray 2.4 milyan Euro waxaana burburay wadahadalo la qorsheeyey kuwaas oo fashil kusoo dhamaaday