Kooxda kubada cagta ee Manchester united ayaa iyduna usoo baxday finalka koobka F.A Cub ka oo ay
ku sii sugaysay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City oo iyaduna shalay kasoo
baxsatay kooxda Chelsea iyagoo waliba daal badani ka muuqday oo kaliya ay nasteed labo maalmood
ciyaartan oo qaybteedii hore ay maamulanaysay Manchester united oo labo gool latimi oo ay
ukala dhaliyeen S. Mc Tominey H. Maguire oo kala dhaliyey daqiqadii 23aad iyo 45aad ayaa qaybtii
horena sidaas lagukala nastay waxaana bilawgii qaybta labaad gool sadexaad u dhaliyey kabtankooda
B. Fernandez oo ciyaarta kadhigay 3-0 daqiiqadii 58aad ayaa isa siiyey guusha ciyaarta laakiin
waxa ay kooxdii ay la ciyaarayeen ee Coventery City oo ka ciyaarta heerka labaad ay u dhigtay cashar
ku riday jah wareer kadib markii ay ka daba yimaadeen kooxda Red Devils oo ay sadexdii gool oo
darandoori ah ka dhaliyeen daqiiqadihii 71aad 79aad iyo 95aad kuna ceebeeyey garoonka dhexdiisa
kooxda Man united .
isbadal uu sameeyey tababaraaha kooxda Coventry City ee Mark Robins oo sadex bedel oo
soowada galiyey daqiiqadii 63aad aayaa ciyaarta dhinaca kale urogay isbadal muuqdan sameeyey
waxaadna moodaysay in Coventry ay ka ciyaarto Premier leage halka Red Devilsna aad moodaysayba
inay ka ciyaarto Championship ama heerka labaad ee ingiriiska waxayna ciyaartii ku soo
dhamaatay barbardhac 3-3 ah waxaana lagu daray waqtigii dheeraadka ahaa oo isagana la
is mari waayey waxaana la is la gaaddhay rigoorayaal ay ugu danbeyn Manchester united ku soo
guulaysatay 4-2 taas oo aanay wax dabaal deg ah sameynin marka laga reebo Andere Oana iyo
Rasmus Hoijlung maadaama ay dareemayeen in iyaga
lagu ceebaystay garoonka halka taageerayaasha Coventry ay in badan kasii dhex heesayeen garoonka
dhexdiisa maadama ay u qalmeen in ay usoo baxaan finalka F.A ga.