Liverpool oo Kasoo Talaabsatay Fulham Soona Garab Fadhiisatay Arsenal

 


Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa kusoo laabatay jidkii guulaha ee Premier league oo ay 

ciyaarihii ugu danbeeye ka oomanaayeen waxayna 1-3 kusoo garaaceen kooxda dhibka badan ee Fulham

waxayna soo galeen kaalina labaad iyagoo isku dhibco ah kooxda Arsenal oo ay wada leeyihiin mi

74 dhibcood laakiin lagaga horeeyo xag farqiga gooalsha  isbadal weyn oo uu sameeyey tababae Klopp

oo fadhiisiyey ciyaartoydiisa muhiimka ahaa sida Salah, Mclister ,Nunez, iyo Szobuszlei ayey markan 

ushaqaysay oo sadex gool ay ukala dhaliyeen T Alexander-Arnold, Rayan  Gravenberchiyo Diogo Jota 

ayaa ka caaawisay in ay sadex dhibcood oo muhiim u ahaa ay kala soo laabtaan Cravan Cottage taas oo u 

muuqata in ay wali ku  tartami karaan Premier league daqiiqadii 32aad ayaa Liverpool  ay la wareegtay 

hogaanaka waxaana gool u bilabaay T.A. Arnold oo llaad xor ah ku hubsaday shabaaqa.

kooxda Fulham ayaa iyaguna dadaal badan u sameeyey sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen 

waxayna sameeyeen dhawr fursadood ilaa ugu danbayn ay heleen goolka barbaraha dhamaadkii qaybta

  hore ee ciyaarta oo uu u dhaliyeyTimothy Casagne daqiiqadii 45+2 goolkaas oo warwar hor leh kusii 

abuuray tababare Klopp waxaana lagukala nastay 1-1.


qaybtii labaad ee ciyaart kooxda Klopp waxay lasoo laabatay dadaal dheeraad ah oo ay kooxda Silva u

diideen in ay isla jaan qaadaan waxaana u suurto  gashay in ay goolkale kala hormaraan kooxda Fulham

daqiiqadii 53aad oo Gravenberch uu banaanka kasoo toogtay ay ku dhacday birta kadibna gashay goolka

goolkaas oo aanu tababare Jurgen Klopp fadhiga uga kicin isagoo ka walwelsanaa in laga dabayimaado

laakiin kooxdiisu dadaalkii way siibadiyeen fursado kale aayey sameeyeen ilaa ay goolsadexaad

 layimaadeen daqiiqadii 71aad  oo uu Jota oo mudo dhaawac ku maqnaa uu shabaqa dhex dhigay

goolkan waxaa la arkayey in tababare Klopp uu si wayn u dabaal degay bilaabayna in uu ciyaartoydiisa 

dhiiri galiyo ciyaartoydiisii uu fadhiisiyeyna uu ckyaarta soo galiyo inkastoo aanay wax isbaal ah 

ku yeelanin ciyaarkiina sidaas ayey ku soo gabagabowday.




Post a Comment

Previous Post Next Post